Haweeney 99 jir ah oo la rumeysan yahay in ay tahay ardaygii ugu da’da weynaa ee dhigta dugsiga hoose ayaa ku geeriyootay gurigeeda ooku yaalla dalka Kenya , sida uu BBCda u sheegay wiilka ay ayeeyada u tahay .

Haweeneyda oo la yiraahdo Priscilla Sitienei ayaa xanuunka ay u dhimatay uu ku bilowday iyadoo fasalka fadhida maalinimadii Arbacada.

Iyada iyo ardayda ay isku fasalka ahaayeen ee 12 jirada ah ayaa diyaarinayey imtixaanka kama dambeysta ah oo bilaabanaya toddobaadka dambe.

Sheekada Ms Sitienei’s ayaa keentay in lagu fekero in laga sameeyo filim iyo ammaan ka timid Hay’adda Dhaqanka iyo Waxbarashada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Unesco .

Waxay ku soo kortay dalka Kenya oo Ingiriisku qabsaday waxayna ku dhex nooleyd halgankii dalkeeda uu u galay madaxbannaanida .

Waxay u sheegtay Unesco sanadkii hore in ay dooneyso in ay ku dhiirigaliso hooyooyinka da’da yar in dib ugu soo laabtaan dugsiyada .

“ Waxaan doonayey in aan u muujiyo tusaale iyaga oo keliya ma ahee gabdhaha kale ee dunida ee aan dugsiyada tagin , haddii aadan waxbarashada laheyn , ma jiri doono farqi u dhaxeeya adiga iyo digaaga” ayey tiri.

Waxay ku biirtay dugsiga diyaargarowga ee hoggaamiyeyaasha aragtida leh sanadkii 2010kiilaakiin sidoo kale waxay ka soo shaqeysay xaafadeeda Ndalat ee ku taalla Rift Valley oo ay ka aheyd umuliso in ka badan 65 sano.

Xitaa waxay gacan ka geysatay umulinta qaar ka mid ah hooyooyinka carruurta ay fasalka wada dhigan jireen kuwaas oo xilligaa da’doodu aheyd inta u dhaxeysa 10 ilaa 14 sano jir.

Inta badan waxaa lagu naaneysi jiray “Gogo” oo la macno ah ayeeyo marka la eego luuqadda Kilenjiinka .

Waxay BBCda u sheegtay sanadkii 2915kii in ugu dambeyntii in ay baraneyso wax akhriska iyo qorista – taas oo aheyd fursad aanay helin xilligi ay yareyd .

Mar kasta waxay la dagaali jirtay carruurt dugsi-diidka ah oo ay dhihi jirtay “Maxaad dugsiga u tagi weysay “.

“waxay I dhahaan aad baad u gabowday “ ayey tiri.” Waxaan u sheegaa “

“Aniga dugsi waan dhigtaa , adigana sidoo kale waa in aad aadaa “

“Waxaan arkaa carruur niyad jabsan oo aan aabbo heysan oo iska warwreega ..waxaan rabaaa in aan ku dhiirigaliyo waxbarashada oo ay dugsiyada aadaan “ayey riri.

Farriinteedii waa nooshahay

Markii ugu horreysay dugsiga waa loo diiday laakiin isla markiiba waxay fahmeen in ay ka dhab aheyd doonisteeda in ay waxbarato.Sheekadeeda ayaa lagu sheegay Filim loogu magacdaray Gogo kaas oo furay fursadeeda cusub oo aheyd in ay booqato Fraansiiska oo ay la kulanto Brigitte Macron, Marwada koowaad ee dalka Faransiiska .

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here