MUQDISHO (DAYNIILE.COM) Waxaa Maanta Maxkamada Ka soo muuqday ardey Soomaaliyeed oo hada dhameeyay Dugsiga sare dhanka kalana ka tirsan ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA kaasoo ka carooday macalinkii waardiyeynayay imtixaankiisii ugu dambeeyay markii uu dhowr mar ku qabtay isagoo qishaya itixaanka .
Askariga NISA iyo Ardeyga ayaa markii sida uu sheegay macalinku ka kansalay laba maado qish darteed usoo kaxeystay wiilal saaxiibadiis oo iyaguna qaar askar kale yihiin kadibna waxay garaaceen macalinkii markii ay jidka u galeen.
Maxkamada Ciidamada ayaa maanta kiiskooda lagu dhageystay Mucaad C/kariin Cusmaan oo ku magac dheer Moola oo ah askariga Imixaanka qishka lagu qabtay islamarkaana macalinka jir dilay , wuxuu qirtay mid ka mida eedeymaha loo soo jeediyay halka uu beeniyay eedaha qaar sida inuu xabad ku riday xili camera CCTV cadeyn ah laga keenay.
Askari Moola wuxuu sheegay inuu xabada ku kala eryaayayu dad shacaba oo ku soo xoomay meesha jir dilka uu ka dhacayay, wuxuu intaasi ku daray in xabada uu u riday jihada macalinka uu ka jirey maahee jihada kale.
Sidoo kale wuxuu beeniyay inuu sameeyay fal isku day dil ,sidoo kale wuxuu qirtay inuu isaga watay bistoolad sidoo kalana wiilasha kale uu ku soo qaaday mooto uu isagu watay.
Wiilasha kale ee iyagana la socday Mola ayaa mid ka mida uu qirtay inuu ka qeybqaatay jir dilka,halka mid kalana uu sheegay inuu mootada waday islamarkaana uusa wax jir dil ah ka qeyb qaadan halka mid kalana uu baxsad yahay oo uusan maxkamada soo xaadirin.
Abuukaatr u doodayay eedeysanayaasha ayaa ku eedeyay macalin Xasanka la jir dilay iyo macalimiinta kale ineysan laheyn qibrad macalinimo oo ay imtixaan kama dambeysa ah ku waardiyeyn karaan.
Si kastaba Gudoomiyaha ayaa maxkamada soo xirey islamarkaana shaaciyay inay dib go’aan ka qaadan doonaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM










