XIGASHO LAACIB.NET
Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa diiday fikradda sheegaysa in Cody Gakpo uu ku liito garabka bidix ee kooxda maadaama uusan haysan tartan dhab ah, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Gakpo uu ka faa’iido arrintaas inuu helo daqiiqado joogto ah.
Gakpo wuxuu billowday ku dhawaad dhammaan ciyaaraha tan iyo markii Luis Díaz xagaagii Reds uga biiray Bayern Munich, balse qaab ciyaareedkiisu mararka qaar wuu kala duwanaa, gaar ahaan markii la beddelay kulankii 1-1 ee Sunderland markii uu lumiyay fursado badan.
Slot ayaa sheegay ka hor safarka Leeds United:
“Taasi waa hab xiiso leh oo wax loo eego. Haddii ciyaaryahan marar badan ciyaaro, tani waxay siinaysaa joogteyn iyo kalsooni. Badanaa ciyaartoydu waxay ii sheegaan inay u baahan yihiin inay daqiiqad walba ciyaaraan si ay u soo bandhigaan waxqabadkooda ugu fiican, hadda waxaad sheegtay wax ka soo horjeeda.”
Fedeico Chiesa weli ma uusan ku bilaaban kulan Premier League ah, Hugo Ekitike-na waxaa loo isticmaalaa kaliya weerar la socda Alexander Isak. Dhinaca kale, xiddiga da’da yar Rio Ngumoha oo 17 jir ah ayaa noqday beddelka ugu dhow garabka bidix. Inkastoo uu weli sugaayo in si rasmi ah looga diiwaan geliyo kooxda waaweyn. Wuxuu horay u helay daqiiqado ka badan inta badan ciyaartoyda da’diisa ee kale ee Premier League-ga.
Slot ayaa intaa ku daray:“Rio wuxuu helay daqiiqado, laakiin ujeeddo ahaan waa wax wanaagsan in uu fursad helo isagoo 17 jir ah.Ma aaminsani in Cody uu dhib ku qabo tartan la’aanta, maxaa yeelay waxaa jira ciyaartoy ka ciyaari kara booskiisa. Badanaa ciyaartoydu waxay jecel yihiin kalsoonida iyo fahamka in ay heli karaan daqiiqado badan.”
XIGASHO LAACIB.NET

