XIGASHO LAACIB.NET
Isla markii shaqada laga cayriyay Xabi Alonso oo ahaa tababarihii Real Madrid, waxaa bilaabmay hadal-hayn la xiriirinaysa inuu la wareegi karo shaqada Liverpool haddii uu horumar samayn waayo tababare Arne Slot.
Arne Slot oo ka qayb galayay shir jaraa’id ka hor kulanka Champions League ee ay la leeyihiin Marseille, ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsan wararka sheegaya in Alonso uu beddelayo, isagoo ku jawaabay qaab maadays ah si uu xaaladda u qaboojiyo.
“Wuxuu isoo wacay isagoo leh lix bilood ka dib ayaan la wareegayaa! Maya, maya, maya…” ayuu yiri Slot isagoo qoslaya. “Tani waa mid ka mid ah su’aalihii ugu la yaabka badnaa ee abid la i weydiiyo. Maxaa meesha yaalla oo aan sheegi karaa?”
Slot oo ka hadlayay waayihiisa Liverpool ayaa yiri: “Waxaan halkan ka shaqaynayay 18 bilood, waana jeclahay shaqadayda. Waxaan ku guuleysanay horyaalka, xilli-ciyaareedkana inaan dhibtoonayno waa wax iska cad. Sawaxanka taageerayaasha (boos)… malaha dhowr mar ayaan maqlay, laakiin ma badnayn. Waa wax iska caadi ah in marka aad barbaro la gasho Burnley aysan dadku ku farxin. Laakiin marka ay dadku guriga aadeen oo ay degeen, malaha waxay u maleeyeen inay ku fogaadeen dareenkooda.”
Sida ay xaaladdu tahay hadda, ilo-wareedyo ka tirsan Liverpool ayaa xaqiijinaya in kooxdu ay weli si buuxda u taageersan tahay Slot, inkasta oo kooxdu ay ku jirto xaalad aan joogto ahayn 12-kii kulan ee ugu dambeeyay.
XIGASHO LAACIB.NET
