XIGASHO LAACIB.NET
Arne Slot ayaa farriin u diray taageerayaasha Liverpool ka hor kulanka Champions League ee Real Madrid.
“Waxaan u sheegi karaa iyaga, ‘Soo xaadira oo nagu garab istaaga sida aad sameyseen Sabtidii.’ Taageeradoodu waxay ahayd caawimaad weyn oo kooxda u soo korodhay.
“Mar kale, berri waxaan wajahaynaa koox qaab fiican ku jirta, sida Aston Villa oo kale. Had iyo jeer waa farxad in aan ku ciyaarno garoonkeena, sababtoo ah kalfadhigii aan soo marnay waxay badankoodu ahaayeen ciyaaro aan ku ciyaarnay bannaanka.
“Anfield waxay Sabtidii muujisay sida ay ugu muhiimsan tahay guul kooxda, sidaas darteed aan rajayno in ciyaartoyda, kooxda iyo taageerayaashu ay isla taas sameyaan caawa.”
XIGASHO LAACIB.NET
