XIGASHO LAACIB.NET
Xiddigii hore ee Liverpool, Didi Hamann, ayaa ku boorriyey tababare Arne Slot inuu ka reebo shaxdiisa koowaad Mo Salah.
Hamann ayaa aaminsan in Slot uu shaqadiisa waayi doono haddii uu sii wado inuu Salax ku bilaabo kulamada soo aadan, isagoo ku eedeeyay inuusan wax difaac ah ku lug yeelan kulankii UEFA Champions League ee Liverpool si xun loo garaacay.
Isagoo la hadlay RTE Sport ayuu yiri:
“Waxaa jira waqtiga ay tahay in ciyaartoy la fadhiisiyo, xitaa kuwa waaweyn. Slot wuxuu leeyahay go’aan adag: ma shaqadiisa ayuu ku waayi doonaa isagoo Salax ku bilaabaya mise wuu badbaadin doonaa isagoo isaga ka tagaya?
“Waxa Salah sameeyay goolkii labaad ee PSV… Slot wuxuu lahaa hal fursad oo uu isla markiiba ku beddelo; waxa uu sameeyay waa ceeb.
“In ciyaaryahan heerka Salah ah… way i xanuun jineysas inaan dhaho, laakiin sida uu ciyaaryahanka uga sii daayay isagoo aan waxba u qaban kooxda, waa wax laga xumaado.”
Salah ayaa xilli-ciyaareedkii hore ka caawiyay Liverpool inay ku guuleysato horyaalka Premier League.
XIGASHO LAACIB.NET
