XIGASHO LAACIB.NET
Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa shaaciyay qorshihiisa inta uu Mohamed Salah kaga maqnaan doono Koobka Qaramada Afrika (AFCON) 2025.
Tartanka AFCON ayaa lagu qaban doonaa Morocco, December 2025 ilaa January 2026, waxaana la filayaa in Salah uu si buuxda uga qaybqaato isagoo oo matalaya xulka Masar.
Wuxuu yiri: “Frimpong ayaan keenay maadaama uu ciyaari karo booska daafaca midig iyo garabka midig. Waxaan tixgelinnay in aan lumin doono Mo (Salah) ugu badnaan lix kulan oo Premier League ah inta lagu jiro AFCON, taas oo aad u badan marka la eego waxa uu nagu soo kordhiyay xilli ciyaareedkii hore.”
Salah ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 28 gool isla markaana caawiyay 18 kale, isagoo 37 kulan oo horyaalka ah ka caawiyay Liverpool inay ku guuleysato Premier League markii labaad saddex xilli ciyaareed gudahood.
XIGASHO LAACIB.NET
