HomeCiyaarahaArne Slot oo magacaabay saddexda koox ee ugu xamaasadda badan Premier League

Arne Slot oo magacaabay saddexda koox ee ugu xamaasadda badan Premier League

XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa magacaabay saddex kooxood oo uu ku sheegay in ay ka xamaasad badan yihiin kooxdiisa Liverpool.

Liverpool ayaa Jimcaha ku martigelin doonta Bournemouth garoonka Anfield kulanka furitaanka. Ka hor kulankaas, Slot ayaa ammaan u jeediyay wiilasha uu hogaamiyo Andoni Iraola, isagoo ku tilmaamay mid ka mid ah kooxaha ugu adag ee la wajaho.

Bournemouth ayaa xilli ciyaareedkii hore ku dhammaystay kaalinta sagaalaad ee horyaalka Ingiriiska, waxaana Slot uu sheegay in ay yihiin “kooxda ugu xamaasadda badan horyaalka” – halka Newcastle United ay ku jirto kaalinta labaad, Arsenal-na ay ku jirto kaalinta saddexaad marka la eego xamaasadda iyo xawaaraha ciyaarta.

Slot ayaa u sheegay wariyeyaasha:

“Bournemouth waxaa la dhihi karaa kooxda ugu xamaasadda badan horyaalka xilli ciyaareedkii hore marka la eego xawaaraha ciyaaraha. Ka dib Newcastle iyo Arsenal, taas ayaana muujinaysa sida horyaalkani u adag yahay. Bournemouth waa koox aan la dhayalsan karin.”

XIGASHO LAACIB.NET

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -