HomeCiyaarahaArne Slot oo shaaciyay qorshe weyn oo uu booska ugu beddelayo Endo...

Arne Slot oo shaaciyay qorshe weyn oo uu booska ugu beddelayo Endo Iyo Robertson.

XIGASHO LAACIB.NET

Muhiimadda daafaca dhexe ee Liverpool, Ibrahima Konate, ayaa sii korortay kadib markii daafacii xagaagan lasoo iibiyay, Giovanni Leoni, uu jilibka ka dhaawacmay kulankii Carabao Cup-ka oo ay Reds Arbacadii la ciyaareen Southampton.

Dhaawaca Leoni ayaa sidoo kale soo cusboonaysiiyay ka shallaynta Liverpool ee ku aaddan guuldarradii ay kala kulantay saxiixa Marc Guehi maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga. Guehi oo xiddig England caalami ah, ayaa noqon lahaa tartame xoogan oo ka garab ciyaara Virgil van Dijk, hase yeeshee hadda Joe Gomez ayaa ah daafaca dhexe ee kaliya ee kale ee khibradda sare leh. Taas ayaa Konate siisay fursad cad oo uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda koowaad.

Si kastaba, mustaqbalka Konate ee Anfield kaddib xilli ciyaareedkan ayaa weli aan la hubin, maadaama heshiiskiisu uu dhacayo xagaaga dambe. Taas micnaheedu waa inuu heshiis hordhac ah la geli karo kooxo ka baxsan England laga bilaabo 1-da Janaayo.

Sida uu sheegay The Athletic, tababare Arne Slot ayaa sidoo kale u arka Wataru Endo (khadka dhexe) iyo Andy Robertson (daafaca bidix) inay buuxin karaan booska daafaca dhexe haddii xaalad degdeg ah timaado. Rhys Williams, oo ah 24 jir kasoo baxay akadeemiyada Liverpool, ayaa sidoo kale ah beddel kale, inkastoo uu tan iyo May 2021 ciyaaray kaliya 19 kulan oo heer sare ah, isagoo xilli ciyaareedkii hore amaah ugu maqnaa kooxda heerka afraad ee Morecambe.

Tan iyo markii suuqa xagaaga la xiray, fursadda ugu badan ee Liverpool ay ku heli karto Guehi waa bilaash marka uu heshiiskiisa Crystal Palace dhacayo xagaaga dambe. Si kastaba, lama hubo in dhaawaca Leoni uu dedejin doono qorshahaas.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -