HomeCiyaarahaArne Slot oo ugu dambayntii bannaanka keenay sababta rasmiga ah ee ay...

Arne Slot oo ugu dambayntii bannaanka keenay sababta rasmiga ah ee ay Liverpool u dhibtooneyso xilli ciyaareed-kaan

XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa ka hadlay natiijadii suuqii kala iibsiga ee xagaagii, isagoo sheegay in kooxdu aysan weli si buuxda uga faa’iidaysan dhammaan lacagtii la geliyay sababo la xiriira maqnaanshaha ciyaartoy muhiim ah.

“Wax badan ayaa laga hadlay lacagta aan qarash gareynay, dad badan ayaana ka faallooday.

“Laakiin nasiib darro, dhammaan lacagtii aan bixinay si buuxda uma aanan isticmaalin, taasna waxay la xiriirtaa dhaawacyada ciyaartoydaas,” ayuu yiri Slot.

Waxaa xusid mudan in weeraryahanka Alexander Isak uu maqnaan doono ugu yaraan laba bilood kadib markii uu lugta ka jabay; daafaca dhexe Giovanni Leoni ayaa la kulmay dhaawac seedaha jilibka (cruciate ligament) ah, taasoo ka reebaysa inta ka harsan xilli ciyaareedka; halka daafaca Jeremie Frimpong uu maqnaa ku dhawaad laba bilood dhaawac awgiis.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -