HomeCiyaarahaArsenal oo dalabkii ugu horreeyay ka gudbisay Viktor Gyökeres

Arsenal oo dalabkii ugu horreeyay ka gudbisay Viktor Gyökeres

XIGASHO LAACIB.NET

Wargeyska Record ee dalka Portugal ayaa daaha ka qaaday in kooxda Arsenal ay dalabkoodii ugu horreeyay ka gudbiyeen weeraryahanka Sporting ee Viktor Gyokeres.

Dalabka ayaa la gudbiyay kadib kulan dhex maray Agaasimaha Ciyaaraha Arsenal, Andrea Berta, iyo mas’uulka sare ee Sporting, Bernardo Palmeiro, kaas oo ka dhacay Menorca, Spain, Arbacadii.

Si kastaba ha ahaatee, dalabkaas ayaa lagu warramay inuu ka hooseeyo qiimaha ay Sporting ku dooneyso ciyaaryahanka. Madaxweynaha kooxda, Frederico Varandas, ayaa horey u beeniyay wararka sheegaya in ciyaaryahanka lagu heli karo €70 milyan.

Dhanka kale, Sporting lagama filaayo inay dalban doonto in si buuxda loo bixiyo lacagta lagu burburin karo qandaraaska Gyokeres ee €100 milyan ah, waxaana la rumeysan yahay in wadahadal lagu raadinayo xal dhexdhexaad ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -