HomeCiyaarahaArsenal oo dhammeystireysa saddex saxiix oo waa-weyn todobaadkan gudihiis

Arsenal oo dhammeystireysa saddex saxiix oo waa-weyn todobaadkan gudihiis

XIGASHO LAACIB.NET

Kooxda Arsenal ayaa lagu wadaa inay dhammeystirto saxiixyada ugu yaraan seddex ciyaaryahan toddobaadkan, sida uu ku shaaciyay Arteta qorshihiisa xagaaga.

Weeraryahanka reer Sweden Viktor Gyökeres ayaa noqday saxiixii ugu horreeyay, kaddib markii Arsenal iyo Sporting CP ay gaareen heshiis fiidkii axadda.

Qiimaha heshiiska ayaa lagu sheegay inuu yahay £55 milyan, iyadoo lagu darayo gunnooyin gaaraya £8.6 milyan.

Gyökeres, 27-jir horey ugu soo ciyaaray Brighton, ayaa horay ugula heshiiyay Arsenal qandaraas 5 sano ah, waxaana la filayaa inuu goor dhow maro tijaabooyinka caafimaad.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in Arsenal ay dhowr tallaabo u jirto dhammeystirka heshiiska Noni Madueke oo ka socda Chelsea.

Madueke ayaa horay u maray baaritaankiisa caafimaad, iyadoo labada kooxood ay ku heshiiyeen qiimo dhan £48m + £4m gunnooyin ah.

Sidoo kale, wada-xaajoodyada daafaca Cristian Mosquera ee Valencia ayaa si xawli leh u socda, iyadoo la isku af-gartay qiimaha xiddiga.

Arsenal ayaa u muuqata mid si dhab ah ugu heelan inay kor u qaaddo tayada kooxda ka hor xilli ciyaareedka cusub ee 2025/26.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -