HomeCiyaarahaArsenal oo dhigtay labo rikoodh oo cusub kulankii Newcastle

Arsenal oo dhigtay labo rikoodh oo cusub kulankii Newcastle

XIGASHO LAACIB.NET

Kooxda Arsenal ayaa dhigtay laba rikoor oo cusub kadib guushii 1-0 ahayd ee ay ka gaartay Newcastle United kulankii Premier League-ga ee ka dhacay Emirates Stadium.

Goolka qura ee ciyaarta oo uu saxiixay Eberechi Eze ayaa ka caawiyay kooxda Mikel Arteta inay la wareegto hoggaanka horyaalka, iyagoo hadda 3 dhibcood ka sarreeya Manchester City, inkastoo City ay u dhiman tahay hal kulan oo baaqi ah.

Kooxda Pep Guardiola ayaan ciyaarin Premier League toddobaadkan maaddaama ay ku mashquulsanaayeen semi-finalka FA Cup-ka oo ay kaga adkaadeen Southampton.

Sida ay werisay shabakadda xogta ee OptaJoe, goolkii Eze ayaa ka dhigay in Arsenal ay hadda haysato laba rikoor oo dhanka kubadaha geesaha hal xilli-ciyaareed gudihii;

Goolasha ugu badan ee laga dhaliyo kubadaha geesaha: Waxay xilli-ciyaareedkan kubadaha istaagga(set pieces) ku dhaliyeen 17 gool.

Goolasha ka imaada kubadaha istaagga ee looga hormaro kooxaha kale (1-0): Waxay kubadaha noicaad ku dhaliyeen goolka koowaad ee ciyaarta 10 jeer.

Arsenal ayaa hadda diiradda u wareejin doonta tartanka Champions League, halkaas oo ay habeenka Arbacada ah wajihi doonaan kooxda Atletico Madrid wareegga semi-finalka ee tartanka.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -