HomeCiyaarahaArsenal oo go’aan lama filaan ah ka soo saartay Mustaqbalka Martin Odegaard

Arsenal oo go’aan lama filaan ah ka soo saartay Mustaqbalka Martin Odegaard

XIGASHO LAACIB.NET

Warbixin cusub ayaa xaqiijineysa in Martin Odegaard uu weli yahay xubin aad muhiim ugu ah qorshaha Arsenal, inkastoo xilli ciyaareedkiisa ay si weyn u saameeyeen dhaawacyo.

Kabtan-ka kooxda ayaa ciyaaray kaliya 29 kulan tartamada oo dhan, halka tan iyo bishii February uu kasoo muuqday afar kulan oo keliya. Dhibaatada ugu weyn ee heysata ayaa timid kadib dhaawac canqowga ah oo soo gaaray isagoo u ciyaaraya Norway, kaasoo dib u dhigay horumarkiisa.

Isku daygiisii ugu dambeeyay ee soo laabashada ayaa sidoo kale fashilmay, kadib markii laga saaray kulankii Sporting CP, isla markaana uu seegay kulankii Bournemouth.

Si kastaba, gudaha kooxda waxaa si cad loo aaminsan yahay in saameynta Odegaard aysan ku koobnayn garoonka oo kaliya. Wuxuu weli yahay hogaamiye muhiim ah oo saameyn ku leh ciyaartoyda kale iyo jawiga qolka labiska.

Tan iyo markii uu si rasmi ah ugu soo biiray Arsenal 2021, Odegaard wuxuu noqday mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee mashruuca Arteta, isla markaana loo magacaabay kabtanka koixda 2022.

Inkastoo dhaawacyadu carqaladeeyeen xilli ciyaareedkiisa, haddana Arsenal waxay weli u aragtaa inuu yahay ciyaaryahan muhiim u ah mustaqbalka kooxda, gaar ahaan marka loo eego dagaalka ay ugu jiraan horyaalka.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -