HomeCiyaarahaArsenal oo heshay fursad cusub oo ay ku heli karto Rodrygo

Arsenal oo heshay fursad cusub oo ay ku heli karto Rodrygo

XIGASHO LAACIB.NET

Kooxda Arsenal ayaa loo sheegay in rajadooda ku aaddan saxiixa Rodrygo ee Real Madrid ay korortay kadib isbeddel weyn oo soo kordhay.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa muddo dheer ku jiray liiska ay doonayso kooxda Mikel Arteta, inkastoo dhaq-dhaqaaq dhab ah uusan weli dhicin.

Rodrygo ayaa sidoo kale lala xiriiriyay Manchester City, iyadoo loo arkayay beddelka suurtagalka ah ee Savinho, kaasoo la sheegay inuu ku biirayo Tottenham Hotspur. Si kastaba ha ahaatee, sida uu qoray Sun UK, Savinho ayaa hadda lagu wadaa inuu sii joogo City kaddib markii uu fashilmay qorshihii uu ugu wareegi lahaa Spurs.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Real Madrid ay diyaar u tahay inay ku iibiso Rodrygo qiime dhan £76.8 milyan.

Xusuusnow, Madrid dhawaan ayay la xiriirtay Arsenal iyagoo soo jeediyay isweydaarsi ciyaartoy oo u dhexeeya Rodrygo iyo daafaca William Saliba, balse Gunners ayaa si cad u diiday, waxayna ku adkaysteen in ay u arkaan Rodrygo keliya iib toos ah.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -