HomeCiyaarahaArsenal oo iska indha-tirtay Lookman iyadoo indhaha ku haysa saxiixa 3 xiddig...

Arsenal oo iska indha-tirtay Lookman iyadoo indhaha ku haysa saxiixa 3 xiddig midkood

XIGASHO LAACIB.NETWarbixin kasoo baxday GiveMeSport ayaa sheegaysa in Arsenal aysan u arkin Ademola Lookman (Atalanta) bartilmaameedkooda koowaad, inkasta oo ay xiisaynayaan.

Kooxda Mikel Arteta ayaa doorbideysa in ay lasoo saxiixdaan Rodrygo (Real Madrid), Anthony Gordon (Newcastle United), ama Rafael Leão (AC Milan) halkii ay ka qaadan lahaayeen Lookman.

Waxaa jirta dood gudaha ah oo ku saabsan in keenista garab cusub oo bidix ay carqaladeyn karto horumarka ciyaartoyda da’yarta sida Ethan Nwaneri iyo Noni Madueke, isla markaana laga yaabo inay khasab noqoto in la iibiyo Leandro Trossard ama Gabriel Martinelli ka hor inta aan la keenin xiddig cusub.

Arsenal ayaa hadda xoogga saaraysa cidhib tirka ciyaartoyda aan muhiimka ahayn, halka Inter Milan ay wali isku dayayaan saxiixa Lookman, kaas oo si weyn u riixaya inuu ku biiro kooxda Serie A ee ka dhisan San Siro.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -