HomeWarkiiArsenal Oo Jawaab Lama ilaan ah ka bixisay dalabkii West-Ham ee Nwaneri

Arsenal Oo Jawaab Lama ilaan ah ka bixisay dalabkii West-Ham ee Nwaneri

XIGASHO LAACIB.NET

Arsenal ayaa si adag u diidday dalab uga yimid kooxda West Ham United oo ku saabsanaa xiddiga da’da yar ee hibada leh, Ethan Nwaneri, inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga ee Janaayo.


Gunners waxay u arkaan 18-jirkan ka ciyaara khadka dhexe ee weerarka mid aan la taaban karin, iyagoo u haysta qayb muhiim ah oo ka mid ah mashruucooda mustaqbalka fog ee uu hoggaaminayo Mikel Arteta.

 

Nwaneri, oo noqday ciyaaryahankii ugu yaraa ee abid ka soo muuqda Premier League isagoo jira 15 sano iyo 181 maalmood bishii Sebteembar 2022, ayaa Arsenal u saftay kaliya 12 kulan xilli-ciyaareedkan dhamaan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay hal gool.

Xiisaha West Ham ayaa muujinaya hadal-haynta sii kordhaysa ee ku saabsan aragtidiisa fog, farsamadiisa goysmada, iyo degganaantiisa. Laakiin Arsenal ayaan wax niyad ah u hayn inay fasaxdo jawharadooda qaaliga ah ee ka soo baxday akadeemiyada.

 XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -