HomeCiyaarahaArsenal oo musiibo kale soo foodsaartay kadib kulankii Nottingham

Arsenal oo musiibo kale soo foodsaartay kadib kulankii Nottingham

XIGASHO LAACIB.NET

Xiddiga caalamiga ah ee Norway, Martin Ødegaard ayaa laga saaray ciyaarta kulankii kooxdiisa ku wajahday Nottingham Forest horyaalka Premier League kadib dhaawac cusub oo soo gaaray.

Ødegaard ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus kadib isku day ka dhacay geeska xerada ganaaxa, waxaana loo fidiyay gargaar caafimaad daqiiqaddii 7-aad, balse wuu awoodi waayay inuu ciyaarta sii wato, waxaana lagu beddelay Nwaneri daqiiqaddii 17-aad.

Xiddigan ayaa hore ula daalaa dhacayay dhaawac garabka ah, waxaana maanta soo cusboonaaday walaacii ku saabsanaa dhaawiciisa kadib dhibaatadii kasoo gaartay ciyaarta.

Dhaawaca soo gaaray kabtanka Arsenal ayaa dhibaatooyin cusub ku sii kordhiyay kooxda bilowga xilli ciyaareedkan, iyadoo weli ay taagan yihiin walaacyada ku saabsan maqnaanshaha Kai Havertz, William Saliba iyo Gabriel Jesus oo muddo garoomada ka maqnaa.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -