HomeCiyaarahaArsenal oo qorshe waalli ah u dejisay saxiixa tino Livramento

Arsenal oo qorshe waalli ah u dejisay saxiixa tino Livramento

XIGASHO LAACIB.NET

Kooxda Arsenal ayaa si dhow ula socota daafaca midig ee Newcastle United, Tino Livramento, iyadoo ka fiirsaneysa dalab weyn oo ay u gudbin karto xagaaga.

Ciyaaryahanka 23-jir ah ee xulka England ayaan weli kordhin heshiiskiisa Newcastle, taasoo ka dhigaysa xaaladda kooxda mid nugul maadaama uu laba sano oo kaliya uga harsan yahay qandaraaskiisa.

Wararku waxay sheegayaan in Newcastle ay ku qiimeyso Livramento qiyaastii £60 milyan, inkastoo heshiis kasta oo dhici kara uu ku xirnaan karo awoodda Arsenal ay ku iibin karto qaar ka mid ah ciyaartoydeeda si ay u hesho lacagta.

Waxaa sidoo kale xiiso leh in Livramento iyo tababaraha Arsenal Mikel Arteta ay wadaagaan hal wakiil, taasoo sahli karta wadahadallada haddii ay bilaabmaan.

Dhanka kale, daafaca Ben White ayaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda laga yaabo inay ka tagto Arsenal, kaddib markii uu booskiisa ka waayay Jurrien Timber xilli ciyaareedkan.

White ayaa kaliya shan kulan ku soo billowday Premier League xilli ciyaareedkan, halka Livramento laftiisa uu sidoo kale la tacaalayo dhaawacyo soo noqnoqda oo muruqa bowdada iyo jilibka ah, taasoo sababtay inuu ku soo bilowdo kaliya 11 kulan oo horyaalka ah.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -