HomeCiyaarahaArsenal oo Real Madrid u sheegtay qiimaha ay ku heli karaan Declan...

Arsenal oo Real Madrid u sheegtay qiimaha ay ku heli karaan Declan Rice

XIGASHO: LAACIB.NET

Sida la warinayo, Arsenal ayaa 150 milyan oo euro (132 milyan oo pound) dul dhigtay xiddigeeda Declan Rice, iyadoo Real Madrid ay muujisay xiisaha ay u qabto kartida ciyaaryahanka iyo suurtagalnimada mustaqbalka ay kula wareegi karto, sida lagu sheegay bogga “Fichajes.”

Rice, oo hadda noqday mid ka mid ah khadka dhexe ee ugu dhameystiran adduunka, ayaa ah wadnaha safka Mikel Arteta, waxaana kooxda u aragtaa ciyaaryahan lama huraan ah.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in Arsenal aysan qorsheyneyn inay iibiso ciyaaryahanka, gaar ahaan kadib doorka muhiimka ah ee uu ka qaatay horumarka farsamo iyo tartanka horyaalka labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

Dhanka Real Madrid, kooxda ayaa isha la raaceysa suuqa si ay u hesho xalal mustaqbal leh, gaar ahaan kadib  Toni Kroos iyo bixitaanka Luka Modrić. Si kastaba ha noqotee, isku day kasta oo lagu saxiixayo Rice wuxuu u baahan karaa wada-xaajood adag iyo lacag aad u badan.

XIGASHO: LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -