XIGASHO LAACIB.NET
Arsenal ayaa gaartay guul muhiim ah oo ay 2-1 kaga adkaatay Brighton ciyaartii ka dhacday garoonka Emirates Stadium, taasoo ka tirsaneyd wareegga 18-aad ee Horyaalka Ingiriiska.
Arsenal ayaa goolasha furtay daqiiqaddii 14-aad kadib markii Martin Ødegaard uu shabaqa soo taabtay. Kooxda martida loo ahaa ayaa markale sii dheereysatay hogaanka daqiiqaddii 52-aad, kaddib markii Jorginho uu iska dhaliyay gool qalad ah oo u hiiliyey Gunners-ka.
Brighton ayaa yareysay farqiga daqiiqaddii 64-aad, gool uu dhaliyay Diego Gomez, balse goolkaas kuma filnaanin inay ka badbaadaan guuldarro ay kala kulmaan kooxda martida loo ahaa.
Guushan kaddib, Arsenal ayaa dhibcaheeda gaarsiisay 42 dhibcood, iyagoo sii haysta hogaanka kala sarreynta Horyaalka Ingiriiska, halka Brighton ay ku hartay 24 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta 12-aad ee jadwalka.
XIGASHO LAACIB.NET
