XIGASHO LAACIB.NET
Kooxda Arsenal ayaa heshay war wanaagsan, kadib markii Eberechi Eze uu ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda koowaad ka hor kulanka Premier League ee ay la ciyaarayaan AFC Bournemouth usbuucan.
Eze, oo 27 jir ah, ayaa maqnaa tan iyo dhammaadkii March kadib dhaawac muruqa lugta ah oo ku qasbay inuu ka baxo xulka England. Soo laabashadiisa ayaa ah dhiirrigelin weyn oo uu helayo tababare Mikel Arteta, kaas oo wajahaya dhaawacyo badan oo ay ka mid yihiin Bukayo Saka, Declan Rice iyo William Saliba.
Xilli ciyaareedkan, Eze ayaa sameeyay 43 kulan, isagoo dhaliyay 9 gool isla markaana bixiyay 6 caawin, taasoo muujineysa muhiimaddiisa weerarka.
XIGASHO LAACIB.NET
