HomeCiyaarahaArsenal oo xasuuqday Leeds xill Gyokeres uu laba gool dhaliyay

Arsenal oo xasuuqday Leeds xill Gyokeres uu laba gool dhaliyay

XIGASHO LAACIB.NET

Kooxda Arsenal ayaa guul weyn ka gaartay Leeds United kadib markii ay 5-0 ku dardareen kulan ka tirsanaa wareegga labaad ee horyaalka Premier League, garoonka Emirates.

Arsenal ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 34-aad markii Jurriën Timber uu shabaqa taabtay, halka Bukayo Saka uu dhaliyay goolka labaad daqiiqaddii 45+1.

Bilowgii qeybta labaad, daqiiqaddii 48-aad, Viktor Gyökeres ayaa gool saddexaad ku daray, ka dibna Timber ayaa mar kale shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 56-aad. Gunners ayaa goolka shanaad heshay daqiiqaddii 90+5 markii Gyökeres uu rigooro u beddelay gool.

Guushan ayaa Arsenal gaarsiisay 6 dhibcood oo ay hoggaanka ku qabteen, halka Leeds United ay weki heysato 3 dhibcood iyagoo si ku meel gaar ah u jooga booska 11-aad.

Si kastaba, kulanka waxaa dhaawacyo ka soo gaaray Martin Ødegaard iyo Bukayo Saka, taas oo walaac ku sii kordhisay tababare Mikel Arteta.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -