HomeCiyaarahaArteta oo sharaxay sababta uu u beddelay Viktor Gyökeres kulankii Burnley

Arteta oo sharaxay sababta uu u beddelay Viktor Gyökeres kulankii Burnley

XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa sharaxay sababta uu Viktor Gyökeres u beddelay waqtiga nasashada kulankii Sabtidii ay 2–0 kaga badiyeen Burnley.

Gyökeres oo nasiino la siiyay kulankii Carabao Cup ee Brighton, ayaa ciyaarta kusoo billowday safka hore, wuxuuna furay goolka koowaad isagoo madax ku dhammeystiray laad koorne ah, isla markaana si weyn u saameeyay ciyaarta qeybtii hore.

Si kastaba ha ahaatee, markii lagu soo laabtay qeybta labaad, waxaa lagu beddelay Mikel Merino, taasoo dhalisay su’aalo.

Arteta ayaa sheegay in weeraryahanka reer Sweden uu dareemay “dhibaato muruqa ah”, taasoo keentay in aan halis la gelin.

Arteta wuxuu yiri:

“Qeybtii hore waxay ahayd mid ka mid ah ciyaarahiisa ugu fiican ee uu nala ciyaaro.

Wuxuu dareemay xanuun muruqa ah, markaa waa inaan sugnaa si aan u ogaano inta ay le’eg tahay.”

Waxaa hadda la sugayaa in Gyökeres uu diyaar u noqon doono kulanka Champions League ee Arsenal ay booqanayso Slavia Prague isbuuca soo socda.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -