Dhowrkii habeen ee lasoo dhaafay magaalada muqdisho waxaa lagu arkayey ciidamo hubeysan oo katirsan kuwa Amniga islamarkaana howlgalo qorsheysan ka sameenaya gudaha Muqdisho.

Ciidamada oo ah kuwo Boolis iyo Nabad sugida katirsan ayaa baaritaano ku sameeya dadka iyo gaadiidka ay la socdaan ee bajaajta iyo baabuurta raaxada ah.

Saraakiisha qaar ee laamaha amniga waxay sheegeen in amar sare oo madaxda qaranka ah uu ka dambeeyey howlgaladaan,si looga hortego weeraro lid ku ah nabad gelyada.

Ciidamada amniga ayaa waxay baro koontarool ka sameysteen laamiga Lambar afar aada gaar ahaan agagaarka guriga C/qaasim Salaad Xasan Ee Degmada Hodan,waloow koontarooladaasi yihiin kuwo guur guura oo marba meel ciidamada ay tegaan.

Habeen hore Bajaaj hub lagu waday iyo raggii la socday ayaa ciidamada NISA ay qabteen xilli ay mareysay meel ku dhaw Isgoyska Howlwadaag,shacabka ayaa loogu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada si iskaashi udhexmaro.

Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa waxa uu amar ku bixiyey in laga shaqeeyo sugida amniga xamar oo ah ubucda ay Dawladda ku shaqeyso,waxaana dadka qaar ay sheegeen in hadii lasii joogteeyo ama ay howlgalada sii socdaan amniga uu soo hagaagi karo.

Al Shabaab ayaa weeraro dilal iyo qaraxyo qorsheysan ka fuliya mararka qaar Muqdisho,iyadoo weeraradooda kordhiyey tan iyo Dawladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilka loo doortay 15-kii May 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here