Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaciyey in tiro ka mida maleeshiyada Alshabaab lagu dilay Howolgal weerar ah oo ka dhacay Gobolka Sh/Dhexe.

Taliska ayaa sheegay in 28 ka tirsan Al-Shabaab ku dilay tuulada Juxaay oo hoos tagta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe, sida uu xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga dalka Gen. Maxamed Tahliil Biixi.

Ciidamada ayaa sameeyay howlgalkan culus, kadib markii ay ka war heleen maleeshiyaadka Alshabaab abaabul ka waday tuulada Juxaay, waxaana howlgalka agu gaariisyey qasaare xoog leh.

Howlgallada ka socda Gobolk Sh/Dhexe ayaa weli dhammaan iyadoo ay Alshabaab joogaan degaano hoostaga degmada laga saaray ee Aadan yabaal, ruun-nirgood ee goobo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here