Qarax Miino ayaa waxaa lagu weeraray Kolonyo ay saarnaayeen Askar kamid ah Ciidamada booliska Kenya xilli ay marayeen duleedka Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari xaduudna la leh Soomaaliya.

Ilaa 5 askari ayaa la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku dhaawacmeen, waxaana askarta ay gelibanayeen Gaadiid uu saarnaa xildhibaan lagu magacaabo Ibraahim Cabaas oo ka tirsan baarlamaanka Ijara, iyaga oo ku sii jeeday degmada Hulugho.

Warbixin kasoo baxay Ciidamada Booliska Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in weerarka miino ay ku dhaawacmeen mid kamid ah darawaliinta Kolonyada iyo askar kale.

Sidoo kale Saraakiisha Booliska ayaa waxaa ay weerarkaas ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab, iyada oo weerarkaan uu yahay weerarkii labaad oo muddo laba todobaad gudahood ah ka dhaca duleedka Magaalada Gaaris.

Dhowr jeer ayaa Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab waxaa ay weeraro qaraxyo iyo mid toos ah ka fuliyeen degaano hoostaga Magaalooyinka gaarisa iyo Mandheera wallow bilihii la soo dhaafay ay yaraadeen weerarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here