Ciidamda sida gaar ah ugu qaabilsan Dowlada Kenya  la dagaalanka argagaxisada  ayaa xabsiga dhigay Askari ka tirsan Booliiska ah kaasoo loo heysto inuu Alshabaab xiriri la leeyahay.

Askarigaan ayaa Dowladiisa u qaabilsanaa inuu qoro dhalinyarada dooneysa inay ku biiraan Ciidamada Booliiska balse Dowlada oo mudo baaritaan ku heyso ayaa shalay xabsiga dhigtay.

Advertisement

Dacwad oogayaasha Kenya waxay u heystaan inuusan kaliya Booliis qorin balse dhanka kalana xiririir qorsoodi ah la leeyahay kooxda Alshabaab uuna u qoro dadka ku soo biira.

Askarigaan la xiray waxaa la sheegey in horey shaki nuucaan ah loogu xirey balse uu iska bara yeelay markii lagu cadeyn waayayna la iska daayay ,waana markii labaad oo la soo xiro.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleHogaamiyaha SSC Khaatumo oo si rasmi ah u cadeeyay mowqifkooda doorasho ee Puntland
Next articleWiilka Falastiiniga ah ee geeridiisa ka dib ay u rumowday riyadiisii ahayd inuu caan ka noqdo YouTube-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here