Ugu yaraantii Afar Askari oo katirsan Ciidamada Dalka Tunisia ayaa ku geeriyootey kadib markii Gaari ay wateen Ciidamadu uu haleeyey Qarax Noociisu uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso.

Qaraxa ayaa waxaa uu Ku dhacay Xuduuda ay wadaagaan Dalalka Aljeeriya iyo Tunisia halkaas oo ciidamada wadanka Tunisia ay ka wadeen Hawlo la xiriira Amniga.

Afhyeen u hadley Wasaarada Difaaca wadanka Tunisia ayaa warfidiyeenada u xaqiijiyey in qaraxa uu ahaa mid ay dhulka ku aaseen kooxo uu ugu yeerey Argagixiiso.

Afhyeenka oo sii hadleyey ayaa yiri waxaa ay Ciidamadeenu ay la kulmeen qarax Xeli ay Ku guda jireen baadi goobka Kooxo Xaqjir ah oo ka hawlgala Xuduuda ay wadaagaan Aljeeriya iyo Tunisia.

Isha BBC World News, waxaa Turjimey C/wahaab Aadan C/raxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here