Xildhibaan Mustafa Sheekh Dhuxulow ayaa u istaagay caddaalad u helida wiil dhallinyaro ah oo saakay lagu dilay isgooska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho iyo sidoo loo soo xiri lahaa askartii dilka geesatay.

Sida aan xogta ku helay xildhibaanka oo kaashanaya taliyaha booliiska ee qeybta gobolka Banaadir ayaa suurto galisay in lasoo xiro afar askari oo ku sugneed isgooska Howlwadaag, kuwaa oo lagu tuhmayo dilka wiilka bajaaj lahaa .

Askarta lasoo xiray ayaa hadda lagu hayaa saldhigga degmada Howlwadaag, waxaana socda baaritaano degdeg ah oo lagu sameenayo askartaasi oo lagu tihmayo dilka wiilka dhallinyarada ah.

Ciidamada booliiska ayaa sidoo kale baadigoob ugu jira askar kale oo baxsatay oo qaarkood ku lug yeeshay rasaas lagu furay dhallinyaro bannaan bax dhigeysay, kuwaa oo qaarkood la sheegay in la dilay.

Dowladda waxaa looga fadhiyaa wax ka qabashada askarta sida gardarada ah u dilaya dadka shacabka ah iyo sidii caddaalada loo marsiin lahaa askarta dhibaateesa shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here