WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Nin hubeysan ayaa la soo sheegayaa inuu toogasho ka geystay meel dhowr talaabo u jirta aqalka cad ee looga taliyo Dalka Mareykanka,wuxuuna rasaas la dhacay oo dhaawac hais ah gaarsiiyay laba ka mid ah ciidamada Dolada mareykanka.
War ka soo baxay masuuliyiint Washington DC ayaa durba lagu shaaciyay in weerarkaani ahaa mid si ula kac ah loola bartilmaameedsaday askarta la dhaawacay, falkaan ayaana dhacay shalay galab markaasoo ciidamo meesha ka dhawaana ay degdeg ah goobta ku gaareen iyagoona caawiyay askarta la weeraray.
Ninka lagu tuhunsan yahay inuu toogashada fuliyay wuxuu u dhashay Dalka Afghanistan kaasoo Maraykanka yimid bishii September sanadkii 2021-ka sida uu warbaahinta u sheegay Madaxweynaha Donald Trump.
Trump oo marka toogashadu dhaceyso ku sugnaa Florida ayaa sidoo kale sheegay inay ka fiirsan doonaan in eedeysanaha ay marsiin doonaan ciqaab tan ugu daran,iyadoo loo eegayo in falkaani yahay mid argagixiso
Dhanka kale Waaxda Amniga Gudaha ku eedeysay ninka toogashada gaystay inuu yahay soo galooti danbiyo argagaxiso hore u soo geystay waxayna magaciisa ku sheegeen Rahmanullah Lakamal.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
