Askar Qarax lagu laayey Degmada Balcad

0

yaraan 8 askari oo ka tirsan ciidamada DF ayaa ku dhintay, qaar kalena wey ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Qaraxan ayaa yimid ka dib gaari nooca ciidamada ah oo Soomaalidu u taqaano Cabdi bilaha ay la kacday miino lagu aasay wadada gaar ahaan degaanka Gololey.

Gaariga la qarxiyey oo burbur xooggan uu soo gaaray ayaa ka yimid magaalada Jowhar, isagoo ku soo jeeday degmada Balcad sida wararku sheegayaan.

Ciidamo ka tirsan DF oo ka dhaqaaqay degmada Jowhar ayaa u gurmaday ciidamadii la socday gaariga la qarxiyey, iyagoo dhaawacyadii iyo meydadkii ku waxyeelowday qaraxaas u soo qaaday degmada Balcad.

Al-Shabaab ayaa marar badan qaraxyo iyo weeraro kaleba fuliyey degaanka Gololey oo u dhexeeya magaalooyinka Jowhar & Balcad, kuwaasoo ay ku dileen ciidamo ka tirsan AMISOM, kuwa DF iyo masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo dhamaantood ku socdaalayey wadadaasi.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here