Muwaadin Soomaali ah ayaa galabta albaabka Xalane  ku dilay askari ka tirsan Ciidamada Atmis ee Magaalada Muqdisho ka howlgala.

Ninkaan oo shacab ahaa ayaa la sheegay inay murmeen askarigaan oo u dhashay Dalka Uganda  taasoo keentay inuu toooreey ku dhufto kadibna sidaas ay nafta kaga baxday.

Advertisement

Sidoo kale Ciidamada Atmis ee Midowga Africa kana mid ahaa ilaalada xarunta Xalane ayaa iyagana isla goobta waxay ku toogteen ninkii soomaaliga ahaa ee dilka u gaystay askariga Atmis.

Hay’adaha amniga Dowlada Soomaaliya iyo taliska Atmis midkoodna kama hadlin wali dhacdooyinkaan dilalka ah ee ka dhacay albaabka xarunta ugu weyn ciidamada Atmis ee Xalane.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE,COM

Previous articleMasuuliyiin ka tirsan Midowga Africa oo Maanta Muqdisho soo gaaray
Next articleCiidamada Xoogga oo la wareegay deegaano Al-shababku hore u joogeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here