HomeWarkiiAskari Booliis oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Askari Booliis oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug qeybta Puntland ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay askari Booliis ahaa kadib dagaal dhex maray maleeshiyaad hubeysan oo aan la aqoon iyo ciidamada amaanka Booliiska.

Iska hor imaadkaan ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo wali lama oga kooxahaani Booliiska dagaalka kala hor yimid,mana jirto wax faahfaahin ah oo ka soo baxay dhanka Masuuliyiinta Maamulka Puntand marka la eego sababta dagaalka.

Allaha u naxariistee Khaliif Cabdi-nuur Saleemaa oo ah Askariga la dilay wuxuu  ka tirsanaa Booliska cusub ee Maamulka Puntlland uu dhawaan geeyay  Gaalkacyo  si uu qeyb uga noqdo xoojinta Amniga.

Khaliif Cabdi-nuur Saleemaa wuxuu ahaa Aqoonyahay cilmiga Xoolaha ku taqasusay balse sidaas ay tahay doortay inuu bulshadiisa u adeego,wuxuuna qedyb ka ahaa ciidamo Booliis ah oo dhawaan tababar soo dhameystay iyadoo markaa kadib lagu soo daray ciidamo cusub oo Maamulka Puntland ugu tala galay inay qeyb ka noqdaan sugida amniga iyo u adeegida bulshada.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -