Muqdisho (dayniiile.com)-Wiil bajaajle ah ayaa Galabta lagu dilay Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho inkastoo uusan wadin xiliga la dilaayay.
Marxuumka oo ahaa wiil dhalinyaro ahaa ayaa lagu magacaabi jirey Cumar Jiine waxaana toogtay askari ka tirsan Booliiska Soomaaliya.
Marxuumka inkastoo uu yahay darawal ku shaqeysta mooto bajaj hadana galabta muusan wadin balse wuu la socday kaliya,waxaana la toogtay isagoo gadaal ka fadhiya Mootada.
Taliska Booliiska Gobolka Banaadir iyo kan Xamar weyne ayaa looga fadhiyaa inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglaha oo baxsad ah.
Dhanka kale isla maanta isgoyska Afarta Jardiino ee Muqdisho  ayaa sidoo kale askari dowlada ka tirsan  wuxuu ku dilay nin waday gaari BL ah markii ay is af dhaafeen.wararku waxay intaas ku darayaan in  b la qabtay gacan ku dhiihlaha.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here