MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta Maxkamada Ciidamada ka soo muuqday Askari ka tirsan Nabad sugida qaranka kaasoo dhawaan dilay saaxiibkiis ay NISA iskala tirsanaayeen.

Askarigaan oo lagu magacaabo Daa’uud Cumar Shirre Xuseen ayaa dilka gaystay  kadib markii sxb-kiis Salaad Abuukar Muxudiin ay murmeen oo kaliya taasoo keentay in la dharbaaxo gacan ku dhiiglaha.

Advertisement

No description available.

Sida askartii marqaatiyaasha ahaa cadeeyeen waxaa  murankooda iyo isu gacan qaadkooda ku soo baxay taliyashooda kaasoo isla goobta ku heshiisiiyay kadibna shaqooyinkooda u kala diray.

Askartii goob jooga ahaa ayaa cadeeyeen in gacan u dhiiglaha uu wax yar kadib heshiiska uu qaatay fasax taasoo u suurtagalisay inuu ka dhaqaaqo halkii shaqada uu ka lahaa isagoona gaaray booskii uu sxb-kiis ka howlgalayay markaasoo dhowr xabadood qeyta kore ee jirkiisa uga dhuftay sidaana uu ku geeriyooday.

Dacwad oogaha ayaa Gudoomiyaha Maxkamada ka codsaday in ciqaabtiisa la marsiiyo gacan ku dhiiglaha madaama cadeymihii iyo marqaatiyaashii ay maxkamada keeneen,sidoo kalana uu qiraal yahay.

Qareenka difaacayaay gacan ku dhiiglaha ayaa isna maxkamada ka codsaday in loo eego qodobada fududeynta danbiga la iskana cafiyo madaama sida uu sheegay uu qiraalna yahay islamarkaana aysan jirin cadaawad ka dhaxeysay.

Sidoo kale Gacan ku dhiigle Daa’uud Shire Cumar Xuseen ayaa maxkamada ka cosaday in la cafiyo si uu shaqadiisa qaranka u sii wato madaama aysan jirin cadaawad ka dhexeysay isaga iyo sxb-iis.

Mar uu ka hadlayay sababtuu u dilay wuxuu sheegay inuu rabay kaliya inuu xanuujiyo balse uusan rabin inuu dilo.

ugu danbeyn Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Xasan Nuur Shuute ayaa soo xirey fadhiga maanta iyadoo maxkamadu dib go’aan u gaari doonto.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

No description available.No description available.

Previous articleTirada dhimashada Gaza oo ku dhow 30-kun ruux
Next articleMaxkamada Galmudug oo toogasho ku xukuntay kooxihii dilay Macalin iyo dhaqtar isla dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here