Baydhaba (dayniiile.com)-Maxkamada ciidamada Qalabka sida qaybta 60-aad ee fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo ayaa Maanta fulisay xukun dil ah oo ay hore ugu qaaday askari ka tirsanaa Daraawiishta Maamulka Koonfur-Galbeed

Meel fagaare ah ayaa lagu toogtay askariga oo lagu magacaabo EX-dable daraawiish Muzamil Maxamed Cabdi Aaden oo ku magac dheeraa Fanax kaasoo shalay si bareer ah ugu dilay Baydhabo nin shacaba oo ahaa darwal mooto bajaaj kaasoo lagu magacaabi jirey C/we;i Xasan Cali.

Advertisement

Askarigaan wuxuu sedex xabadood ku dhuftay bajaajlaha markii uu ka diiday inuu si baad ah ku raaco mootada iwuxuuna ku dhex geeriyooday isla moota uu watay.

Gacan ku dhiiglaha oo la sheegay inuu darwiishta koonfur galbeed ka tirsan yahay ayaa ku dhashay islamarkaana deganaa Baydhabo halkaasoo ugu danbeyn maanta si sharci loogu fuliyay qisaasta ninkii uushalay  dilay.

Guddoomiyha Maxkmada Ciidamada Qeybta 60aad ayaa ku dhawaaqey xukunka dilka tooqashada ah oo saaka lagu fuliyey gacan ku dhiiglaha.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in shalay uu askarigaan dilka gaystay isla maanta lagu fuliyay dil toogasho ah oo qisaas u ah dilka uu gaystay,maxkamada Ciidamada ee Baydhabo ayaa hada noqotay tan ugu shaqada degdegsiimaha badan maxkmaadaha kale ee ciidamada ee dalka ka jira.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

May be an image of 4 people, people smiling and grassMay be an image of 2 peopleMay be an image of 3 people and text

Toogasho lagu fuliyay Askari dil ka geystay Magaalada Baydhabo - Radio ...

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here