Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmada Belad-xaawo ee gobolka Gedo askari ka tirsan ciidamada dowlada ee halkaas ku sugan ayaa toogasho ku dilay haweeney ka tirsaneyd dadka degaanka.

Askariga ayaa la sheegay inuu xiriir jaceyl kala dhexeeyey gabadha uu dilay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dilkan uu yimid ka dib markii uu muran soo kala dhex galay askariga iyo gabadha, kaasoo sababay inuu caroodo, isla markaana rasaas ku furo gabadhii jaceylkiisa aheyd.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in muranka uu salka ku hayey arrimo la xiriira hinaase ama maseyr.

Ciidamada amniga degmada Belad-xaawo ayaa la soo sheegayaa iney baadi goobayaan askariga dilka geystay oo baxsaday, waxaana dhacdadan si weyn looga hadal hayaa gudaha degmadaas

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here