MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay askari Soomaaliyeed oo ka tirsanaa ciidamada ilaalada shacabka ee Dharcadka.
Askarigaan waxaa lagu dilay sida aan xogta ku helnay Degmada Heliwaa gaar ahaan halka loo yaqaan isbaaradii Saruurka oo ku taal duleedka Xaafada Waxara-cadde marka loo sii socdo qabuuraha Muqdisho,waxaana hore looga sii qaatay bistoolad uu watay.
Kooxaha dilka fuliyay oo aan wali la xaqiijin balse loo maleynayo Alshabaab ayaa goobta ka baxsaday waxaana lagu wadaa in ciidamada Dowladu daba gal ku sameeyaan soona qabtaan kooxahaasi gacan ku dhiiglayaasha ah.
Askarigaan dhar-cadka ahaa ee ilaalada shacabka oo lagu magacaabi jirey Cumar Kalaxaay ayaa ka mid ahaa ragii amniga Muqdisho u taagnaa habeen iyo maalin Rabi ha u naxariistee.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
Cumar Kalaxaay oo ka tirsanaa ciidamada ilaalada shacabka (Dharcadka) ayaa lagu dilay isbaaradii hore Saruurka ee degmada Hiliwaa. Waxaana baxsaday dilaaga dilka geystay.
