Askari u dhashay Dalka Kenya oo lagu magacaabo Nicholas Musau ayaa la soo sheegayaa inuu 4 ruux oo shacaba ku toogtay Ismaamulka Nakuru.

Ciidamada Amaanka dalka Kenya ayaa qabtay askariga xabsigana u taxaabay waxaana socota sababta falkaasi uu ugu kacay askarigaan.

Advertisement

Mid ka mida afarta ruux uu askarigu toogtay ayaa dhintay halka 3-da kale dhaawacmeen islamarkaana goobaha caafimaadka la gaarsiiyay.

Wararka dilkaan la xiriira ayaa intaasi ku daraya in halka falkaasi ka dhacay ay ahayd goob lagu caweeyo, guud ahaan dadka uu toogtay ayaana ka shaqeynaayay goobtaasi.

Dhanka kale waxaa dhacdadaan ka hadlay  Samuel Ndanyi oo ah Taliyaha booliiska ee Ismaamulka Nakuru,  kaasoo warbaahinta u sheegay inay dhacdadaasi baarayaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleAbaan-duuliye Gor-Gor ka tirsan oo ka hadlay Fariisin ay maanta Alshabaab ka saareen iyo waxay ugu tageen+SAWIRRO
Next articleMaxkamada Ciidamada oo Xukun ku riday eedeysanayaal Alshabaabnimo loo heystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here