Kismaayo (dayniiile.com)-Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubaland waxaa maanta maxkamada Ciidamada la soo taagay nin ku eedeyan inuu hore dil ugu gaystay nin kale.

Dacwad oogaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Jubaland ayaa soo gudbiyay dacwad ka dhan ah ninka eedeysamaha ah taasoo keentay in  Maanta dacwaiisa la qaado.

Advertisement

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta Jubbaland ayaa soo gabagabaysay dhagaysiga kiis dacwad dil ah oo loo haysto eedaysanaha oo lagu magacabo Maxamed Cabdullaahi Siciid (Maxamed Khadar) .

Ninkaan wuxuu ku eedeysan yahay inuu dilay Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Deeq Nuune Saalax oo lagu dilay xaafadda Calanleey ee Magaalada Kismaayo.

Maxkamadda waxaa la hor keenay caddeymo muujinaya sida dilka uu u dhacay iyo goobta uu ka dhacay iyo qiraal eedeysanaha laga hayo.

i kastaba Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamada Ciidamada Jubbaland G/ dhaxe Nuuradiin Maxamed Khaliif oo gacanta ku hayay baarista kiiskan ayaa cadeymaha ka aqriyay maxkamada.

Ugu danbeyn Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Maamulka Jubaland ayaa ku dhawaaqay inuu go’aanka maxkamada dib ka soo sheegi doono sidaasna uu ku soo dhamaday dhageysiga  dacwada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

May be an image of 1 person and beard

Previous articleCali Guud-laawe oo maanta furey Kalfadhigga afaraad ee Baarlamaanka Hirshabeelle.+Sawirro
Next articleShirkii Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta lagu ansixiyay arin aad muhiim u ah+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here