MUQDISHIO (DAYNIILE.COM)-Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Somalia ayaa maanta dil ku xukuntay dable ka tirsan Ciidamada Nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed kaasoo sanadkii hore dilay qof shacab ahaa.

Gacan ku dhiiglaha oo lagu magacaabo Badri C/raxmaan Kaahin ayaa  21 kii November ee sanadkii 2023 gacantiisa ku dilay Cabdullahi Yuusuf Axmed xili uu ku sugnaa isgoyska Xoosh ee degmada Dharkeenleey.

Advertisement

Qaadista dacwada oo soo socotay tan iyo bishii November ee sanadkii hore kadib markii garsooruhu hore waqti u siiyay dacwad oogayaasha iyo difaacayaasha eedeysanaha ayaa ugu danbeyn maanta lagu kala baxay dilna lagu xukumay eedeysanaha.

Amniga Caasimada Dalka ayaa soo hagaagaya marba marka ka danbeysa waxaana qeyb weyn ka geystay shaqada ay heyso maxkamada ciidamada qalabka sida oo la’aanteed askartu dadka si bareer ah isaga leyn lahaayeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person and text

Previous articleTV-ga Qaranka oo ka jawaabay eedii kaga timid Madaxweynihii hore
Next articleSaraakiil Somaliyed oo tababar ku qaadanaya dalka Qadar iyo Taliye Ibrahim oo booqday+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here