HomeWarkiiAskari nin shacaba ku dilay Degmada Garasbaaleey oo Maanta la soo taagay...

Askari nin shacaba ku dilay Degmada Garasbaaleey oo Maanta la soo taagay Maxkamada Ciidamada

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Faderaalka Soomaaliya fadhigeeda Muqdisho ayaa u fadhiisatay oo bilowday dhageysatay kiis askari Dowlada ka tirsan oo ku eedeysan inuu si ula kac ah u dilay nin shacaba.

Askariga ku eedeysan dilka waxaa lagu soo oogay awood sheegasho markii nin shacaba oo ay u kireysneyd Moto Bajaj uu damcay inuu xoog ku raaco muran kadibna sidaas ku toogtay ninkii shacabka ahaa.

Allaha u naxariistee ninka la dilay wuxuu ahaa muwaadin iska xamaasha oo xirfadiisu ahayd Faryaamo waxaana uu saarnaa xiliga la dilayay moto bajaj u kireysneyd gudaha Degmada Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho markaasoo uu wadada u istaagay Dable Cabdi Aadan Ibraahim (Sodon) oo ah eedeysaha dilka loo heysto.

Markii uu waydiistay inuu mootada la raaco ayaa loo sheegay ineysan isu jiha u socon taasoo keentay in Askariga uu bilaabo qorshe kale oo ah inuuba ka shakiyay nin shacabka ahaa ee saarnaa Moto Bajaj-ta taasoo keentay ugu danbeyn inuu rasaas ku furo Bajajta.

Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo faryaamo ahaa ayay rasaastii haleeshay isla goobta ayuuna ku geeriyooday 26-kii bishii Julay ee sanadkaan, eedeysanaha ayaa markii uu hubsaday inuu dil geystay wuxuu isku dayay inuu baxsado markii uu ku dhuuntay geedka loo yaqaan garan-waaga  balse ciidamada amaanka ayaa soo qabtay markii ay caawimaad ka heleen dadka shacabka ahaa.

Gudoomiye Shuute ayaa su’aalo badan weydiiyay ninkii mootada waday kaasoo faah faahin ka bixiyay sidii ay wax u dheceen ilaa dilka ka dhacay waxaana lagu wadaa in fadhiga danbe Maxkamadu go’aan ka qaato eedeysanaha kiiskaan oo ah Askari Dowlada ka tirsan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -