Maxkamadda Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah xukun dil ah kuriday askarigii Ninka shacabka ahaa ku dilay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Falka dilka ah ayaa 10-kii Bishaan waxaa Askariga katirsan Ciidamada degaanka uu ugu dilay degmada Xamarweyne Abuubakar Maxamed Nuurani lacag dhan 5 Kun oo Shillinka Soomaaliga balse Ciidamada ammaanka ayaa deg deg u soo qabtay.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay Askariga dilka geystay ayaa isla Maalintaas sheegay in si kultalo-gal a uu Askariga dilka u geystay, sidaas daraadeedna cadaaladda la marsiin doono.

Qaar kamid ah ehellada Marxuum Abuubakar Maxamed Nuurani ayaa dalbaday in cadaaladda ka horkeeno Askariga dilka u geystay Abuubakar, balse Manta ugu dambeyn xukun dil ah lagu riday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here