Wararka ka imaanaya saakay deegaanka Carbiska oo u dhaw dehmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa  sheegaya in qarax miino lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Illaa shan askari ayaa la sheegay in qaraxaas ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay, sida aan xogta ku helnay.

sidoo kale Askarta lala beegsaday qaraxaas ayaa ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee shaqaalaha iyo injineerada Turkida ah ee dhisaya laamiga dheer ee xariiriya magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here