Baydhabo (dayniiile.com)-Waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur-Galbeed lagu soo xirey Tababar 5 maalin u socday Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa masmulkaani.

Tababarkaan waxaa bixinayay Saraakiisha Booliiska Atmis waxaana ku wehliya Hay’adda UNDP oo fangareysay.

Advertisement

Tababarkaan ayaa ku saaban bad-baadada Bulshada waxaana ka faa’iideystay 10 Sarkaal oo ka mida Saraakiisha Booliiska Soomaaliya ee Koonfur-galbeed.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxa uu awood usiinayaa saraakiisha tababarka soo qaadatay inay wax sii baraan 80 Mutadawiciin oo ka shaqeynayndoona Badbaadada Bulshada,

Taliyaha Booliska Gobolka Baay, G.sare. Amiin Maxamed Cismaan oo ka hadlay Tababarkaan  , ayaa uga mahad celiyay Booliska ATMIS &  Hay’adda UNDP taageerada iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleCeel-biyoodkii sababay dagaal beeleedka oo uu la wareegay Maamulka Galmudug
Next articleDooman nuuca dheereeya ah oo goor dhaw Dowladu u dirtay Degmada Baar-dheere+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here