Wajigii koowaad ee dhimista ee la soo afjaray bishii June, ATMIS waxay kala baxday 2000 oo askari waxayna Dowladda ku wareejisay lix saldhig oo ay horey uga hawlgeli jirtay iyadoo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2628 iyo 2670 (2022).
Si wada jir ah Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), ATMIS ayaa horey u soo gaba gabeeyay qiimeyn farsamo oo lagu sameeyay wajigii koowaad, waxaana hadda la diyaarinayaa in 3000 oo askari oo dheeraad ah in laga saaro Soomaaliya.
Bixitaanka 3000 askari oo ah wajiga labaad ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo dhamaadka bisha Sebtembar, sida ku cad qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2687.
Lt. Gen. Okiding ayaa ku bogaadiyay ciidamada ATMIS howlgalada militari ee ay iska kaashanayaan ciidanka Dowladda, kuwaas oo ka socda gobolka Galgaduud.
Geesta kale, taliyaha Ciidanka Xoogga, ayaa ku booriyay beesha caalamka in ay sii wadaan taageeridda geeddi-socodka nabadda ee meelaha muhiimka ah oo ay ka mid yihiin abuurista ciidamada, qaadista cunaqabateynta hubka, kobcinta awoodda, iyo bixinta dhaqaale xal waara u noqon kara ATMIS iyo DFS.
Wuxuu ku bogaadiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo ku guuleystay inay la wareegaan lix Saldhig oo Horudhac ah (FOB) oo bishii June lagu wareejiyay, isagoo xusay in ATMIS ay sii wadi doonto taageerada hannaanka kala guurka ah ee ay Soomaaliya hormuudka ka tahay, taasoo ugu dambeyn ay ku wareejin doonto mas’uuliyadda amniga oo dhameystiran. dhamaadka sanadka soo socda.