Booliska ayaa xaqiijiyay ‘dhowr tuhmane oo ku hubeysnaa qoryo’ inay weerarka ka geysteen lix goobood oo ku yaal caasimada Austria.

Wargayska Kronen Zeitung ayaa ka warbixiyay hawlgal balaaran oo Booliisku ka sameyeen halkaas

Ugu yaraan hal qof ayaa lagu dilay dhowr kalena waa lagu dhaawacay bartamaha Vienna iyadoo ay socdeen rasaas la is weydaarsanayay, waaxda booliiska ee caasimadda Austria ayaa sheegtay.

Booliska ayaa barta Twitter-ka ku sheegay in wali la go’aaminayo xaalada dhabta ah ee dhacdadii fiidnimadii Isniinta, iyagoo ka codsaday dadka deegaanka inay ka fogaadaan dhammaan gobaha Rasaasta ka socota

Toogashada ayaa bilaabatay abbaare 8-dii fiidnimo (19:00 GMT) markii dhowr tuhmane oo ku hubeysnaa qoryo ay bilaabeen inay rasaas ku furaan Seitenstettengasse, Booliska ayaa sheegay. Rasaas ayaa lagu furay Lix goobood oo kala duwan”, sidoo kalev Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah Sarkaal Booliis ah.

Hal qof oo weerarka soo qaaday ayaa toogasho ku dilay saraakiisha booliska.

Aag aad u weyn oo ku yaal bartamaha Vienna ayaa la xiray oo booliisku waxay sheegeen in hawlgal muhiim ah ay socdaan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Austria, Karl Nehammer, ayaa ku tilmaamay dhacdada “weerar argagixiso oo muuqda”.

Wargayska Kronen Zeitung ayaa ka warbixiyay hawlgal balaadhan oo ay booliisku ka sameeyeen Schwedenplatz.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo warisay in weerarku uu ka dhacay agagaarka macbadka weyn ee Vienna, laakiin bilaysku ma aysan xaqiijin inuu bartilmaameedku ahaa.

Hogaamiyaha bulshada Yuhuuda Oskar Deutsch ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in aysan cadeyn in sunagogyada iyo xafiisyada ku dhegan ay bartilmaameedsadeen, waxa uuna intaa raaciyay in xiligaasi ay xirnaayeen.

Booliska oo xiray waddo u dhow Schwedenplatz toogasho ka dib [Leonhard Foeger / Reuters]

XIGASHO: AL JAZEERA IYO WAKAALADDA WARARKA

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here