HomeWarkiiAwoodii Axmed Madooe ee Gobolka Geddo ma u dhamaatay mise waxbaa u...

Awoodii Axmed Madooe ee Gobolka Geddo ma u dhamaatay mise waxbaa u haray?

Waxaa soo baxaya hadal hayn ka dhalatay aamusnaanta Axmed Madooeb marka la eego  jabkii doraad ka soo gaaray Magaalada Balad-xaawo oo gabi ahaanba gacantiisa laga soo fara-maroojiyay kadib dagaal iyo hardan awood sheegasho oo mudo asbuuc ah kala dhaxeeyay C/rashidi Janan oo bDowlada Somalia ka tirsan.

Sida lagu bartay guulihii badnaa ee uu hore uga gaari jirey dhanka Dowlada waxaa lagu yaqaanay Axmed Madoobe iyo kooxdiisa inay warsaxaafadeedyo u badnaa guulo sheegasho ay mar kasta warbahinta u soo gudbin jireen lakiin hada sidii doraad guul-darada ugu dhacday hadalkiisa waa la waayay.

Hadal heynta waxay salka ku heysaa shakiyo laga qabo in mooral ahaan jabeen Kooxda Axmed Madoobe marka la eego dhanka awoodoodii Gobolka Geddo sababtana waa in Balad-xaawo oo ay dhawaan uun inta badan la wareegeen in laga sii eryadday si dhameystiran.

Magaalooyinka kale sida Doolow oo kale ayaa hada ugu yaraan Maamulka Jubaland uu magac ahaan uga sii jiraa madaama ciidamo badan oo Itoobiyan ah ay halkaasi ku sugan yihiin kuwaasoo si toos ah u garab siinaya Maamulka Jubaland.

Hadal heynta ugu xooggan ee dhanka niyad jabka ka muuqda Maamulka Jubaland ayaa salka ku haya in dadka u dhashay gobolka Geddo badankood ay raacsan yihiin  Dowlada faderaalka Soomaaliya iyagoo siyaasad ahan hada ka soo siibanaya maamulka Jubaland iyo Kooxda Axmed Madoobe.

Waligeed reer Geddo markasta oo Gobolkaaasi siyaasad ahaan uu is qabqabsi yimaado dhanka ay iyaga raban ayaa guuleysta sida hore loogu bartay.

 XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -