HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Maanta waxaa meydkiisa laga helay Hoteel ku yaal Magaalada Hargeysa Axmed Caddib oo warar kala duwan ay ka soo baxayaasha shaqsi ahaan qofka uu yahay .
Qaar ka mid ah baraha bulshada ayaa lagu faafiyay in ninkaani yahay Sarkaal alshabaab ka tirsan oo qaraxyo badan ka geystay koofurta Somalia halka wararka Hargeysa ka soo baxayana ay sheegayaan inuu ahaa sarkaal Booliiska ka tirsanaa.
Booliiska Somaliland oo sheegay inay goordhow war kasoo saari doonaan dhacdada meydka Sarkaal sare oo SNM ka tirsanaa, Axmed Caddib. Kaas oo meydkiisa laga heley qolka hotel uu ka daganaa Hargeysa.
Axmed Caadib Allaha u naxariistee dadka dhaliisha u jeedinaya waxay sheegayaan inuu ka tirsan kooxda Alshabaab inkastoo cadeyn buuxda aysan soo bandhigin.
Taliska Booliiska Maamulka Somaliland ayaa war uu maanta ka soo saaray dhimashada ninkaani waxay ku shaaciyeen inay ninkaasi yahays sarkaal Booliiska Somaliland hore uga tirsanaa ,sidoo kale waxay intaasi ku dareen inay baaritaano ku sameyn doonaan dhacdadaani.
Boolisku waxay warbixintooda ku muujiyeen in meydka ay jirkiia ku taalo hal xabad ,sidoo kalana bistooladna ay ag taalay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
